- Herfad la baraw Bilaanta Bantuuga
- Sportiga (Iyaaraha)
- Ka hortagga Dembiyada
- Walaagii ka jiro Bulshada Baantuga dhatiis
Bafaw, may soo abaabulee barnaamij bilaanta Baantuga xerfad laka barfadi, si bilaanta baantuuga iski filnaadaan, xefadahaas bayba ka mid eyee, barashada shirqaanta urka liki tolaaw, barashada tolidda koofiyasha, funaanadaha dhalloga oo gacan laka tolaw, iyo walyaalaha la saaradow koraasta korshee, kuwaas oo hadii iyo baradaan ki shaqeysad karaan
May kaloo la baree sidii liin kariyow, raashinka bershee, kaas oo bilaanta Baantuuga, dalshoo liinka kari jirayne, taas oo faa’iido weyn xagga dhaqaalaha guriga qeyb wiin ka qaadadaaso.
Sportiga (Iyaaraha)
Ururka BAFAW, isagoo ogsoonya faaiidada ciyaaraha sportiga inleyan hegga aafimaadka korka, murqaha, lafooga iyo xegga maskahda dadka, meybaa ki dadaalaanee, inii bulshada Baantuga in diyaarino barnaamijyo kala gedisanyan, oo sportiga ki saabsanyaan, mayna barnaamijyadaas ka mid noqod done: iyaaraha soccer-ka, basketball-ka, roortinta, buutinta, taas dhamaan dhallooga iyo dadwaawiinka ka qeybqaadadaayan.
Ururka may isku tahluujiyee, haddii la deero waqtiga winterka oo qabowga bada dhiyaaw, inii soo weydiino, Gymam dhatiis laka dhiil karo qofkii fadaw inii waqtigaas sportiga dhiilo.
Ururkaan Baafow may abaabulee teamyaal oo yar iyo weynba leyaan, oo ka qeygalaw tartamada soccer-ka, oo laka qabadaw beledkaan Milwaukee, iyo hitaa ka soo dheelow beledo kale.
Sidii kor liinka usi fadi farsamada dheela dhallooga Baantuuga, mayba Bafaw ki dadaalasee, sidii dhalloogaas liinka sheeni lahaayi Tababare, oo dhalloga tusaaw, ama baraw taaktiiga liin dheelaw.
Ka hortagga Dembiyada
Ururkan BAFAW maybaa aaminsinyee, meelwalbana ki sheegee, inii habboonto in denbiyada intii dh’ine laka horseedo. Hadaba urukaan isigoo meelaas ka amba qaadaw, ayaa meey diyaariyee siminaaro oo bulshada Bantuga laka barrow sidii liinka horseedi lahayi intii denbiga een dhiine.
Siminaarkan oo xooga laka saarow inii ka qeyb qaadadaan barbaarta, iyo waalidiinta oo iyoona la baraw sidii dhalooga liinka liinka barbaari lahaayi edeb iyo asturnaan, hadii dhaloga ki koraan barbaaris feylanto, maybaa yaraadee ama la waayee, sidii dhalloogaas dembi ki gel lahaayeen.
Walaagii ka jiro Bulshada Baantuga dhatiis
Ururkaan maabaa soo abaabulee dhamaan Iido, oo bulshada Baantuuga diin ahaan iyo dhaqan ahaan i leyan: sida Iidda Soonfur iyo Iidda Aarafo, iyo hadii jiraan feesto oo dhaqan Baantuuga laka muujyow, iyo feestada bandiiro saarka Soomaalida ka hurowti gumeysiga.
Mey kale, ururkaan soo abaabulee, banaabaxa samarka, oo bulshada Baantuuga banaanka ka suubsadaayaan piknik. May kale ururka wal ka qabadee, hadii bulsda Baantuuga dhatiis ka dhiyaan wal liin filidayne, sida geerida oo kale.
Iyadoo aan meelabadan aan ku soo sheegnay, sababta loo aasaasay ururkan Bantu-American Friendship Association of Wisconsin, waxaan haddana halkaan idiinku cadeyneynaa in ururkaan loo aasaasay, inuu bulshada Bantuuga ka caawyo, dhamaan meelaha ay uga baahan yihiin in bulshadaasi laga caawiyo, iyadoo aan qoraal lagu soo koobi Karin baahida bulshada baantuuga, bal aan ka soo qaadano inta hoos ku qoran
Waxbarashada, turjubaan, ka warbixin, shaqo u raadin, guryo la raadin, dejin Baantuga ku cusub maagalada, deign kuwa ay ku dhacdo guryo la’aan, tabaro aqoon kororosi ah, abaabulid xafaladaha, saro u qaadid sportiga iwm.