- Harunta shirarka iyo ka faa’iideysiga
- Aawinaada Dhallooga (Homework)
- Aawinaada Walbarashada
Harunta shirarka iyo ka faa’iideysiga
Harunta maay liin suubiey inii daboosho baahida bulshada Bantuuga I qabto dhibaatooyinka la hiriira dhina’yada walbarashada, shaqooyinka, iyo wararka kale. Ujeedada haruuntan ayaa etta, inii bulshada Bantuga i fududeyto meelooga dhibaatooyinka inka kooyakaraan, dhibaatooyinkaas oo keeni karaan aqoon la’aan ama qalab la’aan sida; kombiyuutarada, internetka, faxka, iyo printerka wal laka daaba’aw.
Xarunta walaa qabadaase howlo ka mid eyaan; kaameynta dhallooga dhina’a homework iskoolka liinka soo diro, oo laqabadaw afar maalmood sitimaankii, caruurta maybaa ista’maalaayaan kombiyuutaradan yaalo haruunta si i raadsadaan walaagii inka baahanyaan internetka, printrkana may ki daaba’adaayaan waraaqihii iyo fadaayaan. Dadka waawiina walaa laka saa’idee, sidii liinka suubi lahaayi resume-ga, iyo shaqo doonidda (Job search).
Maay haruntan yaalle kombiyuutarro ki hirinyaan internet, oo dadka u isti’maalkaraan hegga barashada walaaga lagama maarmaanka eya, iyo wararka markaas hadal haayaan, sida sportiga, siyaasadda, iyo la dareerka walaaga aduunyada ka dha’ooyo. Maay kaloo xaruntan maalintii leka qabadee, howlaha kale ee adeega bulshada ee la hiriira dhin’ayada xafiisyada ama baahida kale ee soo saa’idda markaas.
Aawinaada Dhallooga (Homework)
Ururkan oo ujeedadiisu ka mid etta kor u qaadida walbarashada dhallogeena, maaybaa sannad walbo oo iskoolka furanya qabadee kaalmada ashirada dhalloogeena iskoolada leka soo siiyo, oo afar maalmood sitimaankii.
Maay barnaamijkaan homework dhalloogeena ka qeyb qaadadooye dhallinyaro volunteer oo Baantuu eyaan iyo dad ajnebi eyaan, oo runtii waqtigooda geliyooyaan, sidii dhalloogeena walbarashadooda kor inka kah fadi.
Barnaamijkaan oo eyo mid dhal badan ka faa’iideysadaayaan maybaa noqod doonee mid joogto eyo, oo lasii ballaariyo doono hadduu Ilaah edimo.
Aawinaada Walbarashada
Bulsho walba oo ku osobanta wadankan Ameeriko maybaa la kulumaasee dhibaatooyin, dhibaatooyinkaas oo inka kooyaaw dhina’yo badan oo ka mid etta dhina’a walbarashada. Waddanka Ameerika ka gedisanye nidaamkii walbarashada Soomaaliya.
Walbarashada dhallooga wadankan eybaa qeybta iinku wiin ka qaadadee waalidka, haddii noqod fadii ka kaalmeynta dhallooga hegga homework, la dareerka barnaamijyada iskoolka ka dareero, la dareerka waxbarashada dhallooga maalin walba, haddii jirto baahi gaar ah, oo i baahanto in iskoolka wal ka qabado, ama doorashada maadooyinka laka baradaw iskoolka Secondary-iga
Hadaba ururkan BAFAW isagoo ka duulaya baahidaas badan oo joogtada etto, meey qabadooynee seminaaro bulshada Bantuga liinka wacyi geliyaw dhinaca waalidiinta iyo dhinaca iskoolada eyaan, meey kaloo ka shaqeeyaanee is-fahamka maamulka iskoolada iyo waalidiinta. Meey kaloo ururku dhahgalee dhibaatooyinka waalidiinta k tirsidaayaan maamulka ama ma’allimmiinta iskoolada.
Ururkan BAFAW ay kaloo siminaaro i qabadee dhallinyarada ki jirta dugsiyada sare, (Secondary-ga) si dhallinyaradaas i ogaadaan maadooyinka liinka baahanyo inii qaadadaan, walaagii fadooyiin inii iskoolka ka baradaan intti iyoo dugsiga sare dhameyne. Ururkan BAFAW meey kaloo talooyin siiyee dadka waawiin ee fadooyaan inii iskoolada ki noqodaan si inbaradaan wal cusub, sida makaanik, faliyaamo, fuundinimo, iyo walkasto oo gacanta laka qabadaaw, ama hadii fadooyaan inii kor inqaadaan aqoontii hore iyo lahaayeen.