Ururkan waa urur samafal, Mayna laka diiwaangeliyey Milwaukee 2005. Ururka maybaa liinka talagaly inii ka shaqeeyo danaha Bantuga ki nool beledkan Miwaukee iyo meelooga indhowyo.
Ururkan mayba ki dadaalee, inii abaabulo bulshada Somalibantuga, isla markaana I noqodo ed oo bulshada Baantuuga ki sheegadkaraan dareenkooda, si oo bulshada Baantuuga wal ila qaybsadkaraan bulshooyinka kale ee i dhaqan beledkan Milwaukee.
Ururkan mayba soo abaabulee barnaamijyo kala gedisanyaan, oo ka mid eyaan; so’odsiinta dugsi quraanka dhallooga iyo dadka wawiin, muhaadaro diineed, aqoon-kororsi ki taxluuqanto marba baahida markaas jirto, iyo aqoonta danta gaarka eh, ee ka jirto bulshada Somalibantuga.
Himilada Ururka
Himilada ururka may ettaa, inii bulshada Bantuga i horseedo iskuduubnaan, horumar iyo in si feylan inka dhexnoolaadaan bulshooyinka iyo hey'adaha kale ee beledkan Miwaukee iyo daafooshee.
Hamiga Ururka
Adkeenta edka Somalibantuga ki leeyaan Beledka, gobolka iyo wadanka Ameerika. Wal ka qabashada dhibaatooyinka dhallooga Baantuuga kala soo gudboonaato iskoolada dhalloogayna wal ka baradaan.
Ki barbaarinta dhallooga baantuuga diinta Islaamka iyo dhaqanka suubsan. Ka kaalmeynta Bantuga arrimaha bulshada, sida; adeegyaasha dawladda, arrimaha shar’iga, safarka, Ilaalinta huquuqdooda.