This is a recreational activity designed for the community's children and adults. It consists of indoor and outdoor games. In the winter time the community with the help of Milwaukee city facilities and the Community Center organizes indoor soccer and basketball for the children, youth and the adults
Ujeedada barnaamijkan ayaa ah kor u qaadida midnimada bulshada Baantuga iyadoo la badinayo kulamada xilliga summerka ee koleelka jiro, ayna isugu immaanayaan Jbulshada Baantuuga ku dhaqan magaalada Malwaukee, iyadoo weliba si gaar ah loo soo dhaweynayo dadka magaalada ku cusub lana siinayo wixii macluumaad ah oo ku saabsan magaalada.

Cayaaraha Gudaha/Dibada lagu ciyaaro(Indoor/outdoor)
Ururka isagoo og faa'iidada ay cayaaraha u leeyihiin xagga Jirka, lafaha, muruqyada iyo maskaxduba dadkuba, ayuu isku taxalujiyay inuu u diyaariyo barnaamijyo kala duwan oo ku wajahan caruurta iyo dadka waaweyn.
Ururka wuxuu waqtiyada qaboobaha soo raadiyaa Gym ay dhallinyada iyo dadka waaweynaba ee ururka ku cayaaraan kubadaha cagta iyo kolleyga.
Ururka wuxuu xilliga kuleylaha soo qaban qaabiyaa barnaamij kubadda cagta ah oo lagu qabto garoonka banaaka ku yaalo. Waxaa caruurta loo qeybiyaa kooxo ku saleysan dadooda iyo xaafadahooda, kadinba waa la tartansiiyaa. Waxaa kaloo jira odayaasha oo iyagana halkaa ku jimicsan doono qofkii doonayo inuu is fududeeyo.